
Codka Ubax
Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah.
Codka Ubax
SE04EP06 Jawhar: Jidkii Dheeraa ee Saxaafadda
•
Ismaaciil C Ubax
•
Season 4
•
Episode 6
Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan!